Booliska Soomaaliya ayaa saacado kadib ka hadlay weerar Hoobiyeyaal ah oo saaka aroortii lagu qaaday xarunta Madaxtooyada iyo agagaarkeeda, kuwaasoo geystay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Afhayeenka Ciidamada Booliska Sadiiq Aadan Doodishe ayaa sheegay in Booliska Gacanta ku dhigeen qof loo maleynayo inuu ka mid ahaa kooxdii ka danbeysay Hoobiyeyaasha saaka lagu soo tuurayo magaalada Muqdisho.
Wuxuu intaas ku daray in Hoobiyeyaasha oo sida uu yiri Macmal ahaa laga soo tuuray Waaxda Barwaaqo ee degmada Dayniile, meel Goof ah oo baadiye ah, halkaasina laga so tuuray Gantal macmal ah oo fiilooyin lagu xirxiray, wax hadaf ahna aan lahayn.
“nasiibdarro Hoobiyeyaashii ama Gantaalkii labaad macmalka ahaa wuxuu ku dhacay Guri dad shacab ah oo aan waxba galabsan, waxaa ku dhintay aabihii Qoyska iyo laba caruur ah, waxaana ku dhaawacmay saddex qof” ayuu yiri Afhayeenka Booliska.
Macmalka Afhayeenka Boolisku sheegay ayaa loo fasiray inuu Gantaalku ahaa mid aan ahayn kuwa la yaqaan ee ciidamadu adeegsadaan, balse ay farsameeyeen Alshabaab, si kastoo ay tahayna qasaare culus ka geystay Muqdisho.