Booliska Gobolka Banaadir ayaa shaaciyey inuu raadinayo eedeysanayaal kala ah Haweeney iyo laba Rag ah oo baxsaday, kadib markii ay geysteen Fal Dil ah.
Eedeysaneyaasha la raadinayo ayaa kala ah:
1. Ruqiyo Axmed Cabdulle
2. Kamaal Aweys Maxamed
3. iyo Cabaas Salaad Shaandi
Saddexdan qof ayaa ku eedeysan inay Jimcighii 9-ka Febraayo 2024 mindi ku dileen Marxuum Ibraahim Xasan Cabdi oo ahaa ninkii qabay Ruqiyo, waxaana Haweeneyda ka caawiyey dilka Ninkeeda labada eedeysane. Saddexda qof ayaa baxsad ah sida Boolisku sheegay.
Warka kasoo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in laga baadi goobayo Caasimada iyo Gobolada dalka oo la rumeysanyahay inu ay u baxsadeen, waxaana qofkii hela xogtooda laga codsaday inuu la wadaago barta Ciidanka Amaanka ee ugu dhow, ama waco lambarka gaaban ee 991 ama 0613222293 .