Ciidamada Booliska ayaa Muqdisho ku qabtay laba eedeysane oo midkood loo heysto inuu Dil geystay, halka midka kale lagu qabtay isagoo wiil yar oo Meyd ah ku wada Gaari.
Ciidamada Saldhiga Booliska Degaanka Gubadleey ayaa 4-tii bishan May 2023 gacanta ku soo dhigay nin lagu soo eedeeyay in uu dil horay u gaystay Bishii November 2022; waxaan qoraal ka soo baxya Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed lagu sheegay in baadigoob lagu hayey eedaysanaha, lana horgeyn doono maxkamada awoodda uleh si uu cadaalada u maro.
“Dhinac kale qoraal uu soo saaray Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa lagu yiri: “Maanta 6/5/2023 abaare 16:45 Galabnimo, ayaa muwaadiniin ku sugan Degmada Hodan gaar ahaan Waaxda Octobar, agaagarka Isbilaatka Rayib Racep Ordogan (Ex-digfeer) la soo wadaageen Ciidanka Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banadir, in ilmo yar (Cabdulaahi Yuusuf Cabdulaahi) 6 jir ina hooyo Jamiila Siyaad Cadoow, kaas oo gaari ku xiran”.
Booliska ayaa gurmad ku tegay goobta, iyagoo kula kulmay ilmaha yar oo meyd ah, kuna dhex jira gaari CAROLA midabkeedu Qalin yahay oo uu watay eedeysane Cabdiraxman Muse Cali.
Taliska Booliska ayaa sheegay in Hoggaanka Baarista Dembiyada (CID) ay ka howlgaleen si falkaasi baaris loogu sameeyo kadibna cadaalada loo waafajiyo.