Friday, December 1, 2023

Booliska oo Gacanta kusoo dhigay Nin lagu soo eedeeyay dhaqan-xumo Baraha Bulshada

Ciidamada Booliska ayaa sheegay inay soo xireen Nin lagu eedeeyay inuu Baraha bulshada soo dhigay muuqaalo anshax xumo ah oo lagu baahiyey Facebook.

Taliska Ciidamada Booliska ee degmada Kaaraan ayaa gacanta kusoo dhigay xalay saqdii dhexe eedeysane 24-kii saac ee lasoo dhaafay muuqaalkiisa la wareejiyay Baraha bulshada isagoo tacadi u geysanaya gabdho kala duwan oo ay ku jiraan qaar aan qaangaar aheyn.

Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Gen. Zakiyo Xuseen ayaa sheegtay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Xuseen Xasan Gaabow ay ciidanka soo qabteen, kadib markii shacabka degmada ay soo gudbiyeen xogtiisa, isla markaana sharcigga lala tiigsan doono.

Ad

Ninkan ayaa caadeystay inuu baraha bulshada ee kala duwan la yimaado gabdho yaryar, isagoo muuqaallo xunxun ka duubaya, waxaana dad badan soo jeediyeen in ninkan tallaabo laga qaado.

Falalka anshax darrada ee Baraha bulshada ayaa si weyn u kordhay, iyadoo Boolisku u howlgalaan kiisaska culus marka lagu baahiyo Baraha bulshada.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON