Wednesday, February 19, 2025

Booliska Muqdisho oo Xiray Weriye soo noqday Agaasimihii Warfaafinta Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha

Ciidanka Booliska Gobalka Banaadir ayaa xabsiga dhigay weriye soo noqday Agaasimihii warfaafinta xafiiska Ra’iisal wasaarihii hore ee Xasan Cali Kheyre oo lagu magacaabo Cali Nuur Salaad.

Xariga Weriye Cali-Nuur Salaad Xasan ayey Booliska Sheegeen inuu ku eedeysan yahay falal iskugu jira Anshax-daro, been-abuur iyo aflagaado Ciidammada Qalanka sida, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Taliska Qeybta guud ee Gobolka Banaadir.

QORAALKA BOOLISKA MUQDISHO 22/7/2024.

Ad

Ciidanka Boliiska Gobalka Banaadir gaar ahaan Saldhigga Boliiska Waabari oo gudanaya waajibaadka Qaranka, ayaa soo xiray eedeysane Cali-Nuur Salaad Xasan 38 jir ah,kuna eedeysan falal iskugu jira Anshax-daro, been-abuur iyo aflagaado Ciidammada Qalanka sida.

Waxaa kusocota baarista Boliiska Waxaana la horgeydoonaa Maxkammada awooda uleh.

Weriye Cali-Nuur oo qeyb ka ahaa ololihii Doorashada Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddooyinkii danbe furtay warbaahin gaara, isagoo bilaabay inuu si toos ah uga hadlo xaaladda dalka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON