Saturday, March 22, 2025

Booliska Muqdisho oo xiray Haweeney ku hanjabtay inay Dileyso Madaxweyne Xasan Sheekh

Ciidanka Boliiska ee Goballka Banaadir ee ka howlgala Saldhigga Boliiska degmada Dharkeynley ayaa gacanta kusoo dhigay oo xiray Haweeney Fartuun Nuur Maxamad.

Sida lagu sheegay Warka kasoo baxay Taliska Booliska Fartuun waxay ku eedeysan tahay “loo heysto “Aflagaado madaxda dalka iyo kicin bulsho”. Xarigeeda ayaa ka danbeeyay markii ay hanjabaad marisay Baraha Bulshada.

Haweeneyda oo sida muuqata ka horjeeda in eedeysane Taliyihii Booliska degmada Heliwaa lagu fuliyo Dil Toogasho ah oo ay ku xukuntay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa hanjabaad kulul Madaxweynaha u marsiisay Baraha Bulshada.

Ad

Eedeysane Fartuun Nuur ayaa ku hanjabtay haddii ay dhacdo in la toogto Taliye Qoslaaye oo lagu helay loo heysto dilka Ganacsade Abuukar Kaabax inay iyaduna toogan doonto Madaxweyne Xasan Sheekh oo gacanteeda ku dili doonto, sida ay tiri.

Dhowaanahan waxaa baraha bulshada kusoo batay dadweyne abaabulan oo ka horjeeda go’aanada Garsoorka dowladda ama isku heysta qaab qabiil, kuwaas oo Boolisku hadda bilaabay inuu ugaarsado.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON