Taliska Ciidamada Booliska Gobalka Banaadir ee ka howlgala Saldhigga Boliiska degmada Deyniile ayaa maanta xiray Askari ah Oday xaafadeed oo Baraha Bulshada caan ka ah oo lagu eedeeyay kicin bulsho.
Ninkan oo lagu magacaabo Cadaawe Cabdi Cali (Cadaawe Jiib) ayey Boolisku sheegeen inuu ka tirsan yahay Ciidammada qalabka sida, isla markaana ku eedeysan yahay is hotaag Amar Maxkammadeed iyo ku lug lahaasho kicin bulsho.
Caddaawe Jilib ayaa lagu heysaa muuqaal Video laga duubay isagoo hanjabaya oo ka hor yimid amar fulin maxkamadeed oo ku saabsan Guryo ay dacwadiisa xukuntay Maxkamadda Gobolka Banaadir, isagoo ku sheegay dhul Boob ay ka dagaalami doonaan.
Warka kasoo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in la horgeyn doono Maxkamadda awooda u leh. Ninkan ayaa si joogto Baraha bulshada uga hadla oo beeshiisa ka taageera.