Taliska ciidamada Booliska ee Gobolka Banaadir ayaa soo saaray wargelin uu ku mamanuucayo bannanbax aan loo marin habraac sax ah ee xeer amniga guud.
Wargelinta Booliska ayaa lagu yiri: “Dadweynaha Soomaaliyeed, ee ku dhaqan Caasimada iyo nawaaxigeeda, waxaa lagu wargalinayaa, sababo amaan dartood, in aan la abaabulikarin, la qaban karin banaan-bax aan loo marin habraac saxan, sida ku cad Xeerka Nabadgalyada Guud”.
Booliska ayaa ugu hanjabay Ciddii ku kacda ama lagu helo iyada oo abaabulaysa bannaanbax in laga qaadayo talaabo sharciga waafaqsan.
“Muwaadin qofkii arkaa wax amniga iyo xasiloonida lid ku ah, nagala soo xariir lambarka Gurmad 991. Mahadsanidiin”.
Digniinta Booliska ayaa timid iyadoo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed uu welwel ka muujiyay hananaanka loo maray xariga Sheegow Axmed Cali, isla markaana ay soo gaareen cabasho ku saabsan in cadaadis lagu hayo Dadka kasoo jeeda beelaha Jareer.