War kasoo baxay Booliska Maamul Goboleedka Galmudug ayaa looga digay madaxdii hore ee kooxda Ahlu Suna inay joojiyaan abaabulka ciidan ee ay ka wadaan degaanka Huurshe.
Qoraalka Taliyaha Booliska Galmudug khaliif Cabdulle Maalin ayaa sidoo kale saraakiisha iyo ciidamada tegay degaanka Huurshe si ay ugu biirana ciidamada la abaabulayo inay muddo 24 saac gudahood dib ugu soo laabtaan xeryahooda kana baxaan degaanada colaada laga abaabulayo.
Macalin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir ayaa lagu eedeeyay abaabul ay ku doonayaan inay dumiyaan maamulka Galmudug, iyadoo looga digay cid kasta oo gacan ku siisa abaabulka ay wadaan.
Macalin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir oo dhawaan dib ugu laabtay Galmudug ayaa ciidan Daacad u ah ku haysta deegaanada Huurshe, Sangooye iyo Bohol oo ay sheegeen in ay kula dagaalamayaan Al Shabaab.

HOOS KA AKHRISO

