Taliska Booliska magaalada Muqdisho ayaa xabsiga dhigay haweeney ku eedeysan inay silic u geysatay caruur uu dhalay Saygeeda, iyadoo la sheegay inay dishay wiil yar, lagana badbaadiyay gabar kale.
Booliska ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Xalay fiidkii ay soo xireen haweeneydan. “Abaara 8:00 fiidnimo, Ciidanka Boliiska Qeybta Galbeeed gaar ahaan Saldhiga Dharkeynley, ayaa gacanta ku doo dhigay haweeney ku eedeysan in ay si arxan daro ah u dishay wiil ay eedo u aheyd halka gabadhii wiilka la dhalatay Boliisku ka badbaadiyay”. ayaa lagu yiri qoraalka Booliska.
Gabadha yar ee laga soo badbaadiyey Haweeneydan eedada ayaa qabtay dhaawacyo badan oo jirkeedalagu arkay, waxaaa gacanta ku haya Booliska oo sheegay in la waafajin doono Maxkamadda Awooda u leh si cadaalada loo mariyo.
Dhacdooyinka ku xadgudubka caruurta ayaa kusoo badanaya caasimadda Muqdisho, waxaana hore uga dhacay kiisas kan la mida.
