Wednesday, March 26, 2025

Boolis Caddaan ah oo si xun u dilay Nin Madow & Bannaabaxyo ka socda dalka Mareykanka

Banaabaxyo ayaa ka bilowday magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka, kadib fal naxdin leh oo Boolis Caddaan ah ay si arxandarro ah u dileen Nin madow ah oo aan hubeysneyn.

Ninkan madow ayaa waxa isugu tegay 4 sarkaal oo Boolis Caddaan ah, waxaana baraha bulshada lagu baahiyey Muuqaal laga duubay sida loola dhaqamay ninka madow oo lagu magacaabi jiray George Floyd, kaasoo isagoo gacmaha ka katiinadeysan uu askari Jilibkiisa ku cadaadiyey Qoorta, ninkiina uu qeylinayey “Ma neefsan karo”, wuxuuna ugu danbeyn ku geeriyooday Isbitaalka isla markii la geeyay.

Dadka isugu soo baxay bannaanbax looga horjeedo Booliska ee magaalada Minneapolis ayaa ku dhawaaqayay erayada “Ma neefsan karo.”, waxayna isku dhaceen Booliska oo u adeegsaday sunta dadka ka ilmeysiisa.

Ad

Taliyaha Booliska magaalada Minneapois Medaria Arradondo ayaa sheegay in afarta askari ee arrintan ku lugta lahaa shaqada laga eryay. FBI-da ayaa sheegtay inay baarayaan kiiskan ka dhacay Minneapolis.

Booiska Minnesota ayaa sheegay in Mr Floyd oo 46 sano jir ah uu ilaaliyo ka ahaa maqaayad, waxaana dilkiisa uu ku baxay gacanta Booliska caddaanka ah ay dhalisay inay si weyn uga caroodaan dadka madowga ah ee Mareykanka.

I can't breathe': agonising words of black man George Floyd, who ...
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON