Saturday, April 19, 2025

Bisha Ramadaan oo Caawa laga raadinayo Sacuudiga iyo Dalal kale (Rajada laga qabo aragtideeda..)

Waxaa maqribnimada Caawa dalka Sacuudiga laga raadinayaa dhalashada Bisha Ramadaan ee sanadka 1442 Hijriyada, iyadoo maanta ay bisha Shacbaan ku beegneyd 29.

Maxkamadda Sare ee Sacuudiga ayaa dadka Sacuudiga ka dalbatay inay raadiyaan bisha, kuna wargeliyaan goobaha ugu dhow ee maamulka degmooyinka dalkaasi, waxaana durba wararkii ugu dambeeyay sheegayaan in laga arki waayey bisha gobollo badan oo ka mida Sacuudiga xaaladda jawiga awgiis.

Waxaa kaloo bisha isla caawa la waayey ma kale habeen dambe laga raadinayaa dalalka Sacuudiga, Qatar, Baxreyn iyo dalalka kalle ee Khaliijka iyo inta badan dalalka Muslimka ee aragtida ku sooma, halka ay jiraan dhowr ah oo xisaab ku sooma.

Ad

Waxaa lagu wadaa in Berri la buuxin doono 30-ka bisha Shacbaan, sidaasina Ramadaanku ku bilaaban doono Talaaadadda oo ku beegan 13-ka April 2021.

Xarun caalami ah oo qaabilsan Cilmiga Fisikiska iyo Xiddigaha xiddigaha ayaa hore u sheegtay in caawa aanay suuragal ahayn in la arko bisha Ramadaan oo ay qoraxda ka hor dhaceyso, isla markaana habeen danbe lagu arki karo qalabka Telescope-ka oo dalal yar dunida isha lagu arki karo.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA…

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON