Saturday, January 25, 2025

Beledweyne: Afhayeenkii Xukuumadda oo kusoo baxay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka

Afhayeenkii Xuukumada Xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa maanta magaalada Beledweyne kusoo baxay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Doorasho gacantaag ah oo tartanka uu ka haray musharaxii la tartami lahaa ayuu kusoo baxay Macalimuu kuriga HOP068, isagoo ka mid noqday xildhibaannada Baarlamaanka 11-aad.

Macalimuu oo kasoo kabanaya dhaawacyo dhawaan kasoo gaaray qarax is-miidaamin ah oo lala beegsaday ayaa waxaa cod gacan taag ah ku ansixiyay ergada doorashada kursigaas, kaddib markii uu tanaasulay musharraxii la tartamayay.

Ad

Doorashada maanta ee Beledweyne ayaa lagu dooranayaa lix kursi oo ka mida kuraasta taalla magaaladaasi oo ah degaan doorashada labaad ee Hirshabeelle.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON