Sunday, May 25, 2025

Beeshii uu horeysay oo shaacisay inay kalsooni buuxda siisay Ra’iisal wasaaraha cusub

Xildhibaannada kasoo jeeda Beesha Shanaad ayaa si buuxda u taageeray oo kalsoonidooda siiyey Ra’isal wasaaraha magacaaban ee Maxamed Xuseen Rooble.

Sii-hayaha Wasiirka Dhalinyarrada iyo Isboortiga Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa shaacisay in Ra’iisal wasaaraha cusub uu heysto kalsoonida mudanayaasha Beesha Shanaad ugu jira labada Aqal, kadib markii ay la kulmeen, una muujiyeen soo dhoweyn iyo garab istaag.

Beesha Shanaad waxaa siyaasad ahaan hoggaamiya guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka C/weli Ibraahim Muudey oo ka mida ahaa mas’uuliyiintii madaxweyne Farmaajo ku qanciyey inuu xilkan u magacaabo Maxamed Xuseen Rooble.

Ad

Ra’iisal wasaaraha ayaa lagu wadaa inuu Berri hortago Golaha Shacabka si loogu qaado codka kasoonida, waxaana taageero u muujiyey xildhibaano badan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON