Tuesday, December 10, 2024

Beesha uu kasoo jeedo Guddoomiyihii la dilay ee Degmada Hodon oo Go’aan culus soo saartay iyo Cidda loo heysto

Beesha uu kasoo jeedo Guddoomiyihii degmada Hodon Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise (Dhagajuun) oo Bishii Janaayo lagu dilay magaalada Muqdisho ayaa dalbatay cadaalad, iyadoo baaq culus u dirtay Madaxda dowladda.

Shir ka dhacay Magaalada Muqdisho ayay Odayaasha dhaqanka iyo Waxgaradka Beesha Ceyr ee H/Gidir ku caddeeyeen in muddo saddex bilood ah dilka Guddoomiyihii Degmada Hodon aanu wax cadaalad ah helin, dadkii loo qabtayna qaarkood la sii daayey.

Odayaasha ayaa sheegay in ay la kulmen Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha oo ay dalbadeen cadaalad, laakiin aan kiiskan waxba laga qaban, iyadoo mas’uuulka la dilay aanay cid kale dilin ee laba taliye saldhig Boolis iyo ciidamo ay wateen dilkiisa ka dambeeyeen.

Ad

Waxay sheegeen in marxuum C/xakiim uu waayey cadaalad, beeshuna shireyso, ayna doonayaan cadaalad degdeg ah, iyagoo diray digniin culus oo ay ku sheegeen in si kas ah loo dilay, kuna dhintay fagaare, dilkiisuna ahaa qorshe ayna dileen laba taliye saldhig

Hay’adaha Amniga ayaa dilka Guddoomiye C/xakiin u xiray Taliyeyasha saldhigyada Booliiska degmooyinka Howlwadaag, Gaashaanle Shucayb Cabdi Maxamuud iyo Waaberi, Gaashaanle Maxamed Cabduqaadir Mooshin, waxaa kaloo loo xiray 7 askari oo ku sugnaa Bartii lagu dlay guddoomiyaha.

Warbixin lasoo dusiyey ayaa lagu sheegay in Guddigii baarayay kiiska Dilkii C/xakiin Dhagajuun ay kiiska ka dhigeen inuu ahaa mid shil ah, isla markaana ay eeda ka sareen Taliyaha saldhigga Waaberi iyo laba ka tirsan ilaaladiisa oo degdeg loo sii daayey, halka ay ku eedeeyeen Taliyihii Saldhiga Howlwadaag iyo 7 askari oo kale.

- Advertisement -

Guddiga kiiskan baaray ee ka kala yimid Xeer illaalinta Ciidamada, Booliska iyo NISA ayaa warbixintooda ay abuurtay xaalad kale iyo shak ku saabsan xaqiiqada waxa dhacay iyo dilka guddoomiyihii degmada Hodon.

Kiiskan ayaa ka mida mas’uuliyiin ku maqan gacanta ciidamada dowladda oo ana weli cadaalad helin. Beesha uu kasoo jeedo Marxuum C/xakiin Dhegajuun ayaan ka arin kiiskan oo digniintan soo saartay.

HOOS KA DAAWO

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON