Saturday, June 21, 2025

Beesha kaliya ee Siciid Deni ku qasabtay inay Kuraastooda Golaha Shacabka si furan ugu tartamaan

Wararka laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in heshiis laga gaaray doorashada kuraasta Beel ka mida beelaha Puntland oo culeys gaara ku heysay Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni.

Kulan shalay ilaa xalay dhex maray madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo isimada gobolka Mudug, gaar ahaan Beesha Cumar Maxamuud ayaa xogta lag helay sheegeysaa inu Siciid Deni ogaalay in kuraasta Beeshaasi si furan loogu tartamo oo aan cidna loo xirin, isagoo ka tanaasulay xubno uu watay.

Kuraasta Gobolka Mudug ee Golaha Shacabka JFS oo kala ah: HOP198 iyo HOP199 ayaa Beesha leh ku adkeysatay in lagu tartamo, waxayna isimada Beesha Cumar Maxamuud oo uu hoggaaminayo Islaan Bashiir Islaan Cabdulle go’aankooda gaarsiiyeen Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo isna ku qasbanaaday inuu ogolaado.

Ad

Xubnaha kuraastan u sharxan ayaa waxaa ka mida wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Maxamed C/risaaq, Guddoomiyaha Gobolka Mudug C/ladiif Sanyare iyo siyaasiyiin kale.

Siciid Deni ayaa si toos ah u faragaliyey xildhibaannada laga soo doorto Puntland, wuxuuna soo saartay xubno uu isagu wato, isagoo rajo badan ka qaba inuu guul ka gaaro musharaxnimada xilka Madaxweynaha.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON