Wakiilada Beesha Caalamka (Saaxiibada caalamka) ayaa war kasoo saaray wadahalka dasruurka iyo Federaaleynta ee Soomaaliya, iyadoo doo dhoweeyay dadaallada madaxda Soomaaliya ay ku doonayaan in ay ku hormariyaan mudnaanta dhinaca nabad-dhisidda iyo dowlad-dhisidda.
Qoraal kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu bogaadiyay shirarka joogtada ah ee Golaha Wadatashiga Qaran, iyadoo si gaar ah u soo dhoweeyay in diiradda la saaro dib u eegista dastuurka, kheyraadka federaalka iyo awood qeybsiga, iyo dib u heshiisiinta.
“Waxay dhammaantood muhiim u yihiin xaqiijinta xasilloonida mustaqbalka fog ee Soomaaliya. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada ay khusayso inay si hufan uga qayb-qaataan dadaalladaas, wixii khilaaf ah ee jirana lagu dhammeeyo wadahadal iyo wadatashi”. aya lagu yiri Warka kasoo baxay wakiilada Beesha caalamka oo si toos ah ku saabsanaa khilaafka dowlada Federaalka iyo maamulka Puntland.
“Waxaa naga go’an inaan Soomaaliya ka taageerno sidii ay ku gaari lahayd mudnaanta dowlad-dhiskeeda; aasaaska u ah Soomaaliya loo dhan yahay, barwaaqo ah oo nabad ah”
Dhinacyada Warkan soo saaray ayaa kala ah: Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur Goboleedka IGAD, Ireland, Talyaaniga, Kenya, Jaamacadda Carabta (LAS), Norway, Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Poland, Qatar, Federaalka Ruushka, Suudaan, Sweden, Turkiga, Uganda, Ingiriiska, Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.
