Tuesday, December 10, 2024

Beesha Caalamka oo War kasoo saartay Duqeynta iyo Abaabulka Dagaal ee Laascaanood


Saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa sheegay inay si adag u cambaareeyeen rabshadaha sii socda ee magaalada Laascaanood, waxayna walaac xooggan ka muujiyeen “Wararka la xiriira abaabulka kooxaha hubaysan.”

Qoraalka beesha caalamka ayaa lagu yiri “Waxaan aad uga walaacsanahay duqeynta loo geystay kaabayaasha dhaqaalaha ee rayidka, taasoo sababtay waxyeello iyo barakac baahsan. Waa in si degdeg ah loo joojiyo weerarada ka dhanka ah dadka rayidka ah.”

Beesha caalamka ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyadu inay u hoggaansamaan xabbad joojinta, is xakameeyaan, oo ay galaan wadahadal wax dhisaya si loo helo waddo lagu gaaro xal nabadeed oo laga gaaro colaadda Laascaanood.

“Waxaan ku celinaynaa baaqeenna ah in gargaar bani’aadanimo oo aan la hor istaagin si deg deg wax looga qabto baahiyaha dadka barakacay ee ay saameeyeen rabshadaha socda,” ayaa lagu soo gabagabeeyey qoraalka beesha caalamka.

Magaalada Laascaanood ayaa waxaa maalintii sagaalaad ka socda dagaal u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo ciidamada deegaanka, dagaalladaas oo ay ku dhinteen ku dhowaad 60 qof, kuna dhaawacmeen boqolaal kale, sida ay sheegaan saraakiisha caafimaadka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON