Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya qaabilsan, loona yaqaan ‘Saaxiibada beesha caalamka’ ayaa War kasoo saaray xaaladda Doorashada iyo khilaafka ka taagan magaalada Garowe.
Bayaanka Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay inay ka walaacsan yihiin halista xiisadaha oo kor u kacaya iyo abaabulka ciidamada ee ka socda magaalada Garoowe, taasoo ay keentay joogitaanka ciidamada iska horjeeda.
” Ma jirto wax marmarsiinyo ah oo loo haysto rabshad ama hanjabaad xoog. Cabashada waa in lagu dhammeeyaa si nabad ah oo loo marayo wada hadal. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay khilaafkooda ku xalliyaan qaab nabadeed”.” ayaa lagu yiri Bayaanka kasoo baxay Wakiilada Beesha Caalamka.
Â
Saaxiibada beesha caalamku waxay sheegeen inay ka go’an inay Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed ku taageeraan dhisidda aasaaska bulsho nabad iyo barwaaqo ah.
Â
“Waxaan si dhow ula soconaa xaaladda, waxaana ku baaqaynaa in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda iyo wadahadallo degdeg ah oo ay yeeshaan madaxda siyaasadda iyo kuwa kale ee deegaanka”. ayaa lagu soo gabagabeeyay Bayaanka ka soo baxay Beesha Caalamka.
Â
Xubnaha Bayaankan ku saxiixnaa ayaa kal ah: ATMIS, Belgium, Denmark, Jabuuti, Itoobiya, Wafdiga Midowga Yurub, Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Talyaaniga, Ireland, Kenya, Netherlands, Norway, Talyaaniga, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, Qaramada Midoobay.