Wakiilada Beesha Caalamka ayaa Bayaan ay soo saareen waxay ku caddeeyeen inay ka walaacsan yihiin in muranka ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax iyo xiisadda siyaasdaeed ee ka dhatalay.
Waxay Beesha Caalamka welwel ka qabtaan xiisadaha siyaasadeed ee Kiiska Ikraan inay saamayn ku yeelan karaan habsami u socodka shaqada Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayna carqaladeyn karaan hannaanka doorashada.
“Waxaan ku boorineynaa madaxda Soomaalida inay qaboojiyaan xiisadaha siyaasadeed ee ku gedaaman baaritaankan, gaar ahaanna ay ka fogaadaan fal kasta oo horseedi kara rabshado. Waxaan ugu baaqeynaa madaxda Soomaaliya inay ka wada shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa hirgelinta Heshiiskii 27-kii bishii Maajo ee ku aaddan qabsoomidda doorashooyinka, iyagoo garwaaqsan horumarka ilaa iyo hadda ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka oo hoos yimaada hoggaaminta wax ku oolka ah ee Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka Beesha Caalamka.
Waxaay sheegeen inay sii wadayaan xiriirka aan la yeelanayaan madax Soomaalida si ay ugu booriyaan in si degdeg ah loo xalliyo khilaafkan, loona dhaqaajiyo jirto baaritaan lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan waayitaanka Ikraan iyo dhammaystirka geeddi socodka doorashada iyada oo aan dib u dhac kale dhicin.
Ururrada iyo dalalka Beesha caalamka ee soo saaray war-saxaafadeedka ayaa kala ah: AMISOM, Belgium, Canada, Denmark, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Netherland, Norway, Poland, Qatar, Ruushka, Sweden, Switzerland, Boqortooyada Ingiriiska, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.
