Beesha Caalamka ayaa bogaadisay dadaalka dowladda Federaalka iyo Baarlamaanka ee dhammeystirka Dastuurka KMG ah, waxayna ku boorisay saamileyda Soomaalida inay wadar ogol loo dhan yahay u maraan Dastuurka.
Qoraal caawa kasoo baxay Saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya ayaa lagu bogaadiyay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Federaalka ah ee lagu xaqiijinayo u hogaansanaanta Soomaaliya ee waajibaadka caalamiga ah iyo kuwa heer gobol ee khuseeya xuquuqul insaanka, oo ay ku jiraan xuquuqda carruurta. “Waxaan rajeyneynaa iskaashi [sii socda] mustaqbalka oo aan la yeelano Soomaaliya oo iyadu xoojineysa dowrka ay ku leedahay fagaarayaasha caalamiga ah”.
Beesha Caalamka ayaa qoraalkeeda ku tiri: “Waxaan qireynaa ku-talagalka adag ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ku talagashay horumar ay ka sameyso dhameystirka Dastuurka, waxaana ku boorineynaa dhammaan saamileeyda inay sii laba jibbaaraan dedaalladooda ku aaddan dhisidda wadar-oggol loo marayo geeddi-socod loo dhanyahay”.
*Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Denmark, Jabuuti, Itoobiya, Wafdiga Midowga Yurub , Finland, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Norway, Suudaan, Iswiidhan, Turkiga, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.