Beesha Caalamka ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay uga dalbaday Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble inay si degdega u xaliyaan khilaafkooda.
War-sxaafadeedka ayaa lagu yiri: ” Iyadoo dadka Soomalaiyeed ay xusayaan sannad-guuradii koowaad ee kasoo wareegtay Heshiiskii 17-ka Septembar, ayaa saaxiibbada beesha caalamka waxay aad uga walaacsanyihiin in khilaafka sii kordhaya ee u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inuu wiiqi doono Amniga Soomaaliya isla markaana uu carqaladayn doono geeddi-socodka doorashada”.
Beesha Caalamka waxay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ka dalbatay arrimaha soo socda:
1- Inay si degdeg ah u xalliyaan khilaafkooda
2- Inay ka fogaadaan isweydaarsiga qoraalada aan waxtarka u lahayn bulshada iyo kala bedelka hawlwadeennada
3- Inay dib diiradda u saaraan sidii loo soo gabagabayn lahaa Doorashooyinkii waqtigooda dib uga dhacay, iyadoo aan la gelin dib u dhac kale.
“Dadka Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin oo ay mudan yihiin maamul dowladeed oo wax ku ool ah oo loo dhan yahay. Kala-qaybsanaanta socota iyo siyaasadda hadda socota waa halis wiiqi karta horumarka muhiimka ah ee lagu tallaabsaday” ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxafadeedka Beesha Caalamka
Xubnaha Beesha Caaamka ee warkan soo saaray ayaa kala ah: AMISOM, Belgium, Canada, Denmark, Egypt, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Jaamacadda Carabta, Norway, Qadar, Iswiidhan, Swisarlandh, Turkey, Boqortooyada Ingiriiska, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.
