Beesha Caalamka ayaa War kasoo saartay xaaladda kacsan ee siyaasadda Soomaaliya, kadib isku day afgembi uu Ra’iisal wasaaraha ku eedeeyay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday.
Beesha Caalamka waxay war-saxaafadeedkoodu ku xuseen laba qodob oo kala ah:
1- Inay Madaxda Soomaaliya ay dejiyaan xiisadda siyaasadeed ee kacsan, iyo inay ka joogsadaan daandaansiga ama adeegsiga xoogga oo wiiqi kara nabadda iyo xasilloonida.
2- In si degdega ah loo qabto kulan ay yeeshaan Golaha Wadatashiga Qaran iyo wadatashiyada kale ee dhex maraya saamilleyda muhiimka ah dardargeliyo loona hagaajiyo geedi socodka
HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFEEDKA
Saaxiibada beesha caalamku waxay iyagoo aad uga walaacsan si dhow ula socdaan xaaladda taagan iyo waxyaabaha ku soo kordhay siyaasadda. Waxaan madaxda Soomaaliya ugu baaqaynaa inay danta dalka ka hormariyaan wax walba, ayna dejiyaan xiisadda siyaasadeed ee kacsan, iyo inay ka joogsadaan daandaansiga ama adeegsiga xoogga oo wiiqi kara nabadda iyo xasilloonida”
Saaxiibada beesha caalamku waxay marar badan ku celceliyeen walaac isa soo taraya ay ka muujiyeen wax isdaba marin xagga habraaca iyo dib u dhaca hannaanka doorashada Soomaaliya. Waxa lagama maarmaan ah in degdeg ah loo hirgeliyo heshiisyadii 17 Sebtembar 2020 iyo 27 May 2021, ee saldhigga u ah doorashooyinka iyadoo aan lagu sameyn wax carqalad dheeri ah.
Kulan ay yeeshaan Golaha Wadatashiga Qaran sida ugu dhakhsiyaha, oo ay weheliyaan wadtashiyada kale ee dhexmaraya saamilleyda muhimka ah, ayaa si degdeg ah loogu baahan yahay si loo dardargeliyo loona hagaajiyo geedi socodka, doorashadana loogu soo gunaanado si degdeg ah oo lagu kalsoonaan karo, taasoo heli doonta kalsoonida dadka Soomaaliyeed
*Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Holand, Norway, Suudaan, Iswiidhan, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.
