Thursday, April 24, 2025

Beesha Caalamka oo ka gaabsatay inay Hambalyo u dirto Siciid Deni (War-saxaafadeed)

Wakiilada Beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay gabagabada Doorashadii Madaxtinimada Puntland, iyadoo aan soo hadal qaadin madaxweynaha dib loo doortay ee Siciid C/llaahi Deni.

Qoraalka Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa lagu sheegay inay soo dhoweynayaan gabagabada doorashada madaxtinimada Puntland ee 8da Janaayo 2024. “Waxaan ku bogaadinaynaa shacabka Dowlad Goboleedka Federaalka Puntland sida nabadda ah ee ay hanaanka u qabteen.

Wakiilada Beesha caalamka waxay guud ahaan ammaaneen dadaalka dhammaan daneeyayaasha siyaasadda iyo doorashada lagu xaqiijiyay hannaan nabadeed laguna dhiirigeliyay dhammaan dhinacyada inay ilaashadaan jawi nabdoon.

Ad

Khilaaf kasta oo la xiriira doorashada waa in lagu xalliyaa si nabad ah iyadoo loo marayo habab sharci oo ku habboon.Saaxiibada beesha caalamku waxay si xooggan u dhiirigeliyaan ka-qaybgalka weyn iyo ka-qaybgelinta macnaha leh ee haweenka iyo dhallinyarada ee geeddi-socodka  mustaqbalka”. ayaa lagu yiri qoraalka Beesha Caalamka.

Waxay mar kale xaqiijeen sida ay uga go’an tahay inay sii wadaan taageerada dadaallada Soomaaliya ee ku aaddan maamulka dimuqraadiga ah iyo in horumar laga sameeyo si loo gaaro doorasho cadaalad ah, daahfuran, oo toos ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON