Beesha Caalamka ayaa farriin kale oo ay goor dhoweyd soo saartay ku celisay baaqeedii ahaa inay hoggaamiyeyaasha Soomaalida shir loo dhan yahay isugu yimaadaan, iyadoo ka digtay inaysan taageeri doonin tallaabo kasta oo aan ahayn doorasho loo dhan yahay.
Qoraalka Beesha caalamka ayaa lagu yiri: “Iyadoo ay Muqdisho ku sugan yihiin dhammaan hoggaamiyeyaasha muhiimka ah ee Soomaaliya, waxaa hadda la joogaa xilligii wadatashiyo aan rasmi ahayn ay yeelan lahaayeen si ay ugu heshiiyaan sidii horay loogu sii wadi lahaa shir madaxeedka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada ee xubnaha ka ah federaalka loona aado doorashooyinka”.
Beesha Caalamka waxay mar kale ku celisay in aysan taageeri doonin doorasho kasta oo hal dhinac ah iyo muddo kororsi ay sameysato dowladda hadda jirta; waxayna qaababka ay diidan tahay beesha Caalamka ka mida:
1- Hannaan Doorasho oo hal dhinac ah
2- Doorasho isbarbar socota
3- Iyo Tallaabo kasta oo horseedeysa kordhinta muddo xileedkii hore
Madaxweynaha xilligu ka dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmajo ayaa muddo dheer lagu eedeynayey inuu wato qorsheyaal ay ka mid tahay muddo kordhin 2 sano ah, taasoo ugu wacan khilaafka daba dheeraad ee hortaagan fulinta Heshiiska Doorashada.
