Saturday, April 19, 2025

Beesha Caalamka oo dalbatay in degdeg loo Doorto Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweyne

Saaxiibada caalamka ayaa soo dhaweeyayn dhaarinta maanta ee xubnaha dhowaan la doortay ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Waxay tallaabdan ku tilmaamntay mid horumar leh, Kaddib muddo ka badan hal sano oo dhammaan hay’adaha Soomaaliyeed ee la soo doortay ay dhaafeen waqtigoodii dastuuriga ahaa, waxaan ku faraxsanahay in baarlamaanka cusub uu hadda diyaar yahay.

“Waxaan ku hanweynahay in si degdeg ah loo dhamaystiro marxaladaha haray ee geedi-socodka doorashada, gaar ahaan doorashada hoggaanka baarlamaanka, kadibna Madaxweynaha. Waxaan ogsoonahay in ay jiraan kuraas baarlamaan oo aan la buuxin, waxaana fahamsanahay in, marka kuwan la go’aamiyo, in xubnaha dheeraadka ah la dhaarin karo oo ay ku soo biiri karaan geeddi-socodka hadba meeshi uu marayo” ayaa lagu yiri qoraalka Beesha Caalamka oo soo jeediyey dedejinta guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

Ad

Saaxiibbadu waxay mar kale ugu baaqeen madaxda Soomaalida inay yareeyaan xiisadaha siyaasadeed, ixtiraamaan xuquuqda aadanaha iyo xorriyaadka muwaadiniinta Soomaaliyeed, ayna si deg deg ah, nabad oo lagu kalsoonaan karo u soo gebagebeeyaan hannaanka doorashada.

Dhinaca kale waxay Beeshaba caalamka si adag u cambaareysaya weerarka hoobiyaasha ah, ee ay mas’uuliyadiisa sheegteen Al-Shabaab, oo subaxnimadii hore ee maanta ka dhacay meel ku dhow goobta ay ka dhaceysay xafladda dhaarinta.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON