Saturday, May 17, 2025

Beesha Caalamka Baaq iyo Digniin toos u dirtay Farmaajo “Waxaan marar badan ka dignay muddo kororsiga..”

Wakiilada Saaxiibada caalamka waxay si adag u cambaareyeen rabshadihii ka dhacay Muqdisho 25kii Abriil, iyagoo sheegay inaan la aqbali karin in ciidamadaii Qaranka loo kala qeybiyo qaab qabiil.

“Waxaan marar badan ka dignay in muddo kororsiga uu horseedi doono qalalaase siyaasadeed uuna wiiqi doono nabadda, xasilloonida iyo amniga Soomaaliya. Shaqaaqadii dhacday 25kii Abriil awgeed, ayaan waxaan ku boorinaynaa dhammaan dhinacyada inay aad isu xakameeyaan, dib u billaabaan wadahadalka, kana fogaadaan ficillada halka dhinac ah ee sii hurin kara xaaladda” ayaa lagu yiri qoraalka Beesha Caalamka.

Waxay caddeyeen inay si gaar ah uga welwelsan yihiin kala qeybsanaanta soo baxeysa ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) oo u qaybsamaya qaab qabiil. “Taasi waxay wax u dhimeysaa howshiisii koowaad ee ay ahayd la-dagaalanka Al Shabab iyo badbaadinta dadka Soomaaliyeed. In ciidamada amniga loo adeegsado xaqiijinta ujeedooyin siyaasadeed waa wax aan la aqbali karin”.

Ad

Beesha Caalamka waxay mar kale ku celisaya in heshiiskii 17kii Sebtember uu wali yahay hanaanka kaliya ee lagu heshiiyey ee doorashooyinka waxaana ku boorinaynaa saxiixayaashii heshiiskan inay si deg deg ah ugu laabtaan wada hadalada ku saleysan hanaankaas.

Waxaan soo dhoweyneynaa go’aanka Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu kusoo magacaabayo Ergey gaar ah waxaana ku boorineynaa in wakiilkan heerka sare ah uu yimaado magaalada Muqdisho isla markaana uu guda galo shaqadiisa sida ugu dhaqsiyaha badan. Waxaan diyaar u nahay, haddii aynu nahay saaxiibada, in aan taageero u fidino Ergeygan, isla markaana aan sii wadno dadaallada aan isugu keeneyno dhinacyada.

Waxaan mar kale xaqiijineynaa xurmada aan u hayno gobanimada Soomaaliya, midnimadeeda, midnimadeeda dhuleed, iyo madax-bannaanideeda.

- Advertisement -

*Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Jabuuti, Masar, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Holand, Norway, Spain, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON