Waxaa magaalada Muqdisho ka socda abaabul iyo olole looga horjeedo qorshe uu Madaxeyne Xasan Sheekh ku doonayo inuu xlka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ugu magacaabayo mas’uul ka tirsan xisbigiisa.
Farriimo ay odayaal iyo siyasiyiinta Beel ka mida Beelaha Muqdisho u direen Madaxweyne Xasan Shekeh ayay uga digeen inuu xilkaasi u magacaabo qof aan ka mid ahayn beeshooda o oay shegeeen inay xaq u leedahay.
Kulan a maantayMuqdisho ku yeesheensiyaasiyiin, odayaal dhaqan iyo saraakiil ciidan oo loogana hadlayey magacaabista Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho ayey Beesha Galmaax uga hor timid in guddoomiyaha gobolka Banaadir loo magacaabo mas’uul aan kasoo jeedin beeshooda.
“Xasan Sheekh albaabka ayuu ka xirtay Xildhibaanka Galmaax, odayaasha iyo dadkii waxgalka ahaa, Xasan Seekh hore ayuu Galmaax uga qaaday xilalkii safiirkii Midowga Yurub, Safiirkii Kenya iyo guddoomiyihii Gobolka Banaadir, haddana meesha uu wax u wado kama aqbali doono” ayuu yiri Nabaddoon Axmed Maxamed Calasow (Kaanti) oo ka mida odayaasha kulanka ka qeybgalay.
Xogta laga helay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegeysa in Xasan Sheekh uu xilkaasi usoo xushay Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ka mida saaxiibada, kana tirsan xisbiga, kaasoo uu isla xilkan hore ugu magacaabay. (Halkan ka Akhriso)