Waxaa degaanka Wisil ee Gobolka Mudug maanta lagu soo bandhigay ciidamo iyo Hub fara badan oo loo diyaariyay inay ka qeyb galaan dagaalka lagula jiro Alshabaab.
Gaadiidka dagaalka iyo ciidamo fara badan oo ay soo diyaarisay Beesha Sacad ayaa lagu soo bandhigay deganka Wisil, iyadoo ay halkaasi gaareen Wafdi uu hogaaminaayo Wasiirka Amniga Galmudug Maxamed Cabdi Aadan Gaboobe iyo Gudoomiyaha gobolka Mudug Axmed Xuseen shire Bukhaari.
Ciidamadan oo lagu sheegay inay yihiin Daraawiishta Galmduug ayaa u diyaara inay ka qeyb galaan dagaalka Alshabaab, waxaana Beeshan hore loogu eedeeyay inay ka fariistay dagaalka Alshabaab, balse waxaa hadda muuqata inay ku biirayaan dagaalka.
sarakiisha hoggaamineysa ciidmad aBeesha sacd ee H/Gidir ayaa sheegya inay diyaar u yihiin inay ku biiraan dagaalka lagu doonayo in Al Shabaab looga saaro gobolada dalka gaar ahaan degaanada Galmudug