Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jeneraal Bashiir Maxamed Jaamac ayaa maanta loo dhaariyay xildhibaan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii isla shalay doorasho qorsheysan loogu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.
Gen. Bashiir ayaa kursiga HOPE 18 ee Beshiisa u xirnaa muddo 10 sano ka badan, waxaana ugu danbeysay oo xilkan u heysay xaaskiisa Sahro Colaad Cabdi oo Maarso 2022 kusoo baxday markii dowladii Farmaajo ay u bedeshay kursi haween si meesha looga saaro Jeneraalka.
Bashiir Goobbe oo soo qabtay xilal badan sida, wasiiru dowleyaal, Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo Taliyaha NISA kursigan xildhibaannimo ee beeshiisa loo dhaariyay 22-kii, 2014, isagoo markaas kasoo wareegay dhinaca isboortiga.
Waxaa dhacday in markii Jeneraal Goobe loo magacaabay Taliye ciidan sanadkii 2105 uu kursiga Golaha shacabka ku wareejiyay walaalkiis oo lagu magacaabi jiray Qaasim Maxamed Jaamac, kaasoo iska casilay markii xilka laga qaaday, kadibna Bashiir Goobe dib ula wareegay kursigiisii.