Maxkamadda Ciidamada Qalabka siada Nin la sheegay inuu Alshabaab u qaabilsnaa Basaasnimada maanta ku xukuntay xabsi dheer, kadib markii lagu helay inuu u shaqeynayey kooxdaasi.
Ninkan oo ahaa Jaamici wax ku bartay Muqdisho, ayaa bishii November 2021 ciidamada Amniga ka ka qabteen xaafadda Oodweyne ee degmada Dayniile, waxaana Cabdirisaaq Cabdullaahi Axmed Yarow uu noqday ninkii ugu hakisaa ee Alshabaab u qaabilsanaa Howlaha Basaasnimada.
Waxaa laga helay goobtii lagu qabtay Aalado casri ah oo loo adeegsado basaasnimada sida, Ookiyaal Camerada leh, Boortakiyaabo wax duubi karto, Pro Camera, Drone Camera DJI, Flash Camera, Qalabka dhagoolayaasha balse loo isticmaalo dhegeysiga (Siemens Heraring Aid), Modam Internet iyo Telephono kale.
Ninkan waa uu Gaari Rikaab ah oo ku shaqeyso, sidoo kale waxa uu kusoo shaqeeyay 2015 ilaa 2020 Bajaaj, wuxuuna ka howlgalay shirkadaha Kaabe Travel Agency, Salaama Stationary & Tamaam printing Center oo uu isaga lahaa balse mar dambe uu iska xaraashay.
C/risaaq C/llaahi waa Waa 28 jir ku dhashay Muqdisho, kana baxay Jaamacadda Jamhuuriya (JUST), isagoo bnartay cilmiga Computer Science. Ninkan ayaa sidoo kale la sheegay inuu watay Kaarar aqoonsi oo kala duwan sida Aqoonsiyada Hotel Sanaag & Isbitaalka Madiina.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta Cabdirisaaq Cabdullaahi Axmed Yarow ku xukuntay 15-sano oo xabsi ciidan ah, sida uu sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida.
