Saturday, March 15, 2025

Barakac ay sababeen ciidamo degay Xaafado u dhow Madaxtooyada oo ka socda magaalada Muqdisho

Xaafado ka tirsan degmooyinka Hodon iyo Howlwadaaag ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa saka ka socda Barakac, kadib markii ay ciidamo badan xaafadahaasi degaan oo ay qaarkood ku amreen inay isaga baxaan xaafadahaasi.

Wadooyinka magaalada ayaa lagu arkayaa gawaari, mootooyin iyo dad caadi ah oo ka barakacaya guryahooda, iyagoo wata alaabihii ay qaadi kareen si ay u raadsadaan degaano kale oo nabdoon.

Barakaca cusub ee ka socda magaalada ayaa bilowday kadib markii ciidamadii mucaaradka ee daganaa agagaarka KM4 ay u wareegeen xaafadda Siigaale ee degmada Hodan, iyagoo garabka ku qabtay ciidanka kale ee dawladda ka soo horjeeda ee fadhiya degmada Hawlwadaag ilaa Sayidka.

Ad

Ciidamada gaarka ah ee booliska Haramcad ayaa iyana saaka tagay aagagii ay ka baxeen ciidamada mucaaradka ee fadhiyay agagaarka madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim, iyagoo halkaa ka qaaday jidgooyooyinkii ay dhigeen labadii maalmood ee la soo dhaafay ciidamada ka soo horjeeda dawladda.

Caasimadda Muqdisho ayaa xaalad colaadeed gashay kadib dagaallo ka dhacay Axadii 25-ka April 2021 oo dhex maray ciidamada gadoodsan ee ka horjeeda muddo kororsiga iyo ciidamo u daacad ah Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON