Waxaa maalintii labaad wadooyinka caasimada Muqdisho, gaar ahaan Jidka Maka Al-Mukarama ka socda Kacoon isku bedelay bannaanbax ay dhigayaan dhallinyarrada ku shaqeysata Mooto Bajaajyada.
Darawalladan oo careysan ayaa diidan qiime kordhin lagu sameeyay Leysinnada, ciidamo taraafiko ah oo jidadka lacago uga tuurta iyo Wadooyin laga xirtay oo dhibaato ku keenay shaqadooda.
Waxay Bannaanbaxayaasha Mootooyinka ay wateen ku xireen isgooska KM-4 ee Muqdisho, iyagoo diiday inay maraan gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka ah, waxayna isku dhaceen Booliska.
Darawallada Mooto-Bajaajta ayaa Warbaahinta u sheegay inaysan u dulqaadan karin dhibaatooyinka lagu hayo ayna sii wadi doonaan bannaanbaxyadooda haddii aan wax lag qaban cabashadooda.
Waxay si toos ah ula hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Guddoomiyaha Gobolka Banadir Yuusuf Xuseen Jimcaale, iyagoo degdeg uga dalbaday inay cabashadooda wax ka qabtaan.
Kacdoonka dhalinyarrada Muqdisho waxaa sii kiciyay markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh sheegay inaysan jirin shaqo la’aan heysata dhalinyarrada ‘SHIID’, waxayna xaaladda qarka u saaran tahay inay Kacdoon bulsho.