Waxaa magaalada Hargeysa saaka ka bilowday bannaanbaxyadii ay ku baaqeen xisbiyada Mucaaradka Somaliland ee Waddani iyo UCID oo lagu dalbanayo in Doorashada madaxweynaha maamulkaasi xilligeeda lagu qabto.
Dadweyne badan ayaa isugu soo baxay wadooyinka magaalada Hargeysa, waxayna ku dhawaaqayaan ereyo ay uga soo horjeedaan Col. Muuse Biixi oo muddo xileedkiisu ka harsan tahay wax ka yar shan bilood.
Ciidamada Booliska ayaa wararku sheegayaan inay rasaas u adeegsadeen si ay u kala eryaan dadka bannaanbaxyada wada, waxaana cakiran xaaladda magaalada Hargeysa.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamada ay xireen siyaasiyiin dhowr ah oo ay ka mid yihiin wasiirkii hore ee Warfaafinta C/llaahu Cukuse. Xoghayihii arrimaha bulshada Xisbiga Waddani, Maxamed Siddiiq Dhame iyo xubno kale.
Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in rasaas ay fureen ciidamada ay ku dhaawacmeen xildhibaan Barqad Jaamac Batuun oo kamid ah xisbiga WADANI, kaasoo lugta ka dhaawacmay iyo Muniir Axmed Cigaal oo ah la-taliyaha musharraxa madaxweynaha Xisbiga WADDANI .
LA SOCO WIXII SOO KORDHA…