Tuesday, September 10, 2024

Bannaanbaxa ay Muqdisho ka dhigayaan Darawaliinta Bajaajyada iyo Faragelin lagu sameeyay

Darawaliinta Bajaajyada wada ee magaalada Muqdisho ayaa waday qabanqaabada bannaabax weyn oo ka dhacaya caasimadda Berri oo ku beegan 4 Maarso 2023.

Bannaanbaxan oo ay wehliso shaqo joojin oo ay ku dhaqaaqayaan Bajaajleya ayaa looga cabanayaa dilalka joogtada noqday ee askarta dowladda u geysato Darawaliinta Bajaajyada, waxaana lagu dalbanayaa in la joojiyo beegsiga Bajaajleyda iyo in cadaladda la marsiiyo askarta falalkaasi u xiran.

Saacadihii ugu danbeeyay waxaa socday dadaallo ay wadeen Taliska Booliska iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo lagu doonayo in lagu baajiyo banaanbaxa, waxayna arrintan kala hadleen Guddi ka mida Darawaliinta Bajaajyada.

Ad

Maamulka iyo Booliska Gobolka Banaadir ayaa gebi ahaan diidan inuu dhacdo Bannaabaxa Sabtida Beri ay ku dhwaaqeen Bajaajleyaasha, iyadoo ka digay inay ka dhalan karaan amni darro iyo shaqaaqooyin.

Ma cadda inay Darawaliinta Mooto Bajaajyada waa aqbaleen joojinta Bannaabixii ay qorsheysteen, iyadoo guddi ka socday uu la kulmay maamulka Gobolka iyo Taliska Boolis ay sheegeen inuu baaqday bannaanbixii halka qaar kale ay caddeeyeen in bannaanbaxa uu socon doono mudo 3 maalmood ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON