Bannanbax labaad oo rabshado wata ayaa kas ocda magaalada Muqdisho, kadib markii dadweyne careysan isugu soo baxeen isgoyska Ex. Kontrol Afgooye ee qaraxu ka dhacay.
Dadka bannaanbaxaya ayaa xiray jidka isku xita Muqdisho iyo Afgooye, waxayna dhagxaan ku shidayaan Gaarigii isku daya inuu wadadaasi maro, iyado gubaya lugaha baabuurta. Dadka banaanbaxa wada ayaa sheegay inay ka horjeedaan ciidamada dowladda oo Jiingad ku xiray goobtii ay ganacsiyada ku lahaayeen ee Ex. Koontrol Afgooye Qaraxa kadib, ayna tuhunsan yihin in dowladda ay la wareegeyso si ay ganacsato kale u siiso.
Bannaanbaxayaasha ayaa markii dabe ku dhawaaqayay ereyo ay uga so horjeedaan madaxda Dowlada Soomaaliya, iyagoo ku dhawaaqaya ereyo ay ka yihiin: “FARMAAJO DOONI MEYNO…”
Bannaanbaxa ayaa weli kas ocda Ex. Kontrol Afgoye, wuxuuna kusoo beegmayaa iyadoo uu magaalada Muqdisho ka socdo bannaanbax kale oo ay soo abaabushay dowladda Soomaaliya, siiba maamulka G/Banaadir kaasoo looga horjeedo Ashabaab.