War saxafadeed caawa kasoo baxay ayuu Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ku sheegay inuu dib ula wareegay dhulka iyo Guryihii uu lahaa ee degmada Wadajir.
“Maanta oo ay taarikhdu ku astaysantahay 13-ka Maarso, 2023, Bangiga Dhexe ee Soomaaliya wuxuu si sharci ah ula soo wareegay dhulka iyo Guryaha Bankiga (Bangaariyo) ee ku yaala Degmada Wadajir gaar ahaan xafadda Buulo-xuubey”. ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Bankiga.
Go’aanka la wareegista dhulka ayuu sheegay Bankiga in loo maray si waafaqsan dastuurka, iyo Shuruucda dalka. “Sida uu qabo qodobka 87-aad ee xeerka madaniga Soomaaliyeed oo ka hadlaya hantida garan-ka waxuu si cad u sheegayaa inaan la iibin karin, la rahmi karin ama lawareejin karin hanti Qaran oo ay leedahay dowladdu. Bangiga isagoo tixgaliya mudnaanta iyo baahida uu u qabo ka fai’daysiga dhulkiisa ayuu u maray si waafaqsan hanaanka garsoorka dalka inuu hantidiisa si sharci ah dib ula soo wareego”.
Bangiga Dhexe ee Soomaaliya wuxuu sidoo kale sheegay in si waafaaqsan sharciga ula soo wareegi doono dhammaan hantidiisa kale ee shacabku sida sharcidarada ah ku dagan yihiin.
Arintan ayaa timid kadib markii maanta qaar ka mida Guryaha Bangaariyada laga saaray dadkii ku noolaa, kadib amar kasoo baxay Maxkamdda Gobolka Banaadir, isla markaana baraha bulshada si weyn loogu baahiyay arrintnan.