Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo khudbad jeediyay ayaa ka hadlay xaaladda cudurka Coronavirus iyo qalab loo soo iibinayo dowladda Soomaaliya.
Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in la kordhinayo xarumaha lagu daaweeyo dadka uu soo rito cudurka COVID-19, lana kordhin doono baaritaanka si qof waliba oo iska shakiran u helo fursad looga baaro, wuxuuna intaas ku daray inay ku howlan tahay soo iibinta qalab caafimaad oo qayb ka qaata xakameynta COVID-19.
“Bangiga Adduunka ayaa dowladda ka oggolaaday inuu usoo iibiyo qalabka caafimaad ee aadka loogu baahannahy si loola dagaalo cudurkan…” ayuu yiri Ra’iisal wasaaraha oo sii raaciyey in Xukuumadda, Ganacsatada, dhaqaatiirta, bulshada rayidka iyo culimaduba ay wadaan dadaal xoggan oo loogu gurmanaayo dadka Soomaaliyeed ee caawinta u baahan.
Ra’iisul Wasaaruhu waxuu sheegay in dowladdu ka codsatay deeq bixiyayaasha in caawinaadaha ay bixin jireen loo wareejiyo dhinaca caafimaadka iyo taakulaynta danyarta uu cudurkani saameeyay nolol maalmeedkooda, sidoo kale dowladaha Yurub iyo Maraykankaba ay ka codsatay sidii Bangiyada iyo Xawilaadaha Soomaaliyeed shaqadooda loogu fududayn lahaa.
Wuxuu intaas ku daray in Ganacsatada Soomaaliyeed iyo wasaaradda maaliyaddu ay isla garteen in la yareeyo saamaynta dhaqaalaha ee ka dhasha cudurka COVID-19, lana dhimay canshuurta raashinka daruuriga ah.