Bankiga adduunka ayaa dowadda Soomaaliya siinaya lacag lagu taageerayo Miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo hoos u dhac ku jiro.
Guddiga Sare ee Bankiga Adduunka ayaa ansixiyay in Dowladda Federaalka la siiyo deeq lacageed oo dhan $75 milyan Dollar, taasoo loogu talagalay kabka miisaaniyadda Dowladda, waxayna gaar ahaan ka timid barnaamijka horumarinta Siyaasadda Dhaqaalaha.
Waa deeqdii labaadoo xiriir ah oo Soomaaliya ka caawineysa dalka inuu horumar ka sameeyo Jidka Deyn cafinta si uu u gaaro Deyn cafinta buuxda ee loo yaqaan Qorshaha Waddamada Faqiirka ah ee deymeysan (Heavily Indebted Poor Countries -HIPC)
“Deeqdan waxay taageertaa rabitaanka dawladda ee ah in la dhiso aasaaska dhaqaalaha casriga ah ee hay’adaha la xoojiyay. Waxa kale oo ay muujinaysaa horumarka baaxadda leh ee ay Soomaaliya ka samaysay dhinaca dhismaha hay’adaha dawladda iyo horumarinta dhaqaalaha, taas oo dhabbaha u xaaraysa mustaqbal xasiloon oo waara,” ayay tiri Kristina Svensson, Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya oo deeqdan ka warbixisay.
Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysaya, kana mahadcelisay taageerada Miisaaniyadeed ee Bangiga Adduunka uu ugu deeqay Dowladda Soomaaliya.