Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa caawa gashay bandow aan la sii sheegin, markii gebi ahaan la xiray wadooyinkii muhiimka ahaa ee caasimadda, loona diiday isu socodka dadka iyo gaadiidka.
Ciidamada Dowladda yaa xiray isku socodka Wadadda Maka Almukarama iyo wadooyinka soo gala ee degmooyinka Gobolka Banadir, waxaana qeybaha magaalada ku kala xayirmay dadkii ku sugnaa oo awoodi waayye inay xafaadooda aadaan.
Dadka ayaa loo diiday inay xitaa lug ku maraan waddooyinka, waxayna qaarkood safar dheer kadib duleedyada Muqdisho u mareen si ay xaafadahooda u tagaan, taasoo ahayd arrin aan hore loo arag oo lala yaabay.
Wararka qaar ayaa sheegaya in sababta loo xiray wadooyinka iy oBandowga kediska ah ay tahay arrimo amni, halka warar kale sheegayaan in ciidamadii laga keenay maanta dalka Eritrea ay marayaan halkaasi, loona wado xerooyinka ciidamada ee Muqdisho iyo agagaarkeeda.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Hay’adaha Amniga iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo ku saabsan xaaladda Muqdisho iyo xayiraadda Caawa lagu soo rogay shacabka.
