Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa weerar loo adeegsaday Bam gacmeed lagu qaaday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho.
Qarax Bamka kadib ayaa waxaa la maqlay rasaas culus oo ay fureen ciidamada ilaalada xarunta, taasoo in muddo ah socotay, waxaana markaas kadib ciidamo goobta gaaray ay howlgal ka sameeyeen agagaarka Xarunta wasaaradda.
Wararka ayaa sheegaya in kooxdii ka danbeysay Bam gacmeedka caawa lagu weeraray Wasaaradda Gaashaandhigga ay baxsadeen, lamana soo werin wax qasaare ah oo qaraxa iyo rasaasta la furay ay dhaliyeen.
Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa hadda xarun u ah madaxweyne Farmaajo oo dhowaan u wareegay inuu ku shaqeeyo, wuxuuna weerarkan imaanayaa iyadoo maanta weerar kale oo hoobiyeyaal loo adeegsaday lagu weeraray xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.