Baarlamaanka dalka Ciraaq ayaa fadhi uu maanta yeeshay uga dooday falkii ciidamada Mareykanka ku dileen taliyihii Ciidamada Qudus ee dalka Iiraan Jen. Qaasim Suleymani iyo ku xigeenkii hoggaamiyaha ciidamada kacdoonka shacabka Ciraaq Abuu Mahdi Almuhadis ee ka dhacay Garoonka magaalada Baqdaad.
Fadhigii Baaralmaanka Ciraaq ayaa u codeeyay in ciidamada Mareykanka laga saaro dalka Ciraaq, waxaan qaraarkasi taageeray aqlabiyadda Baarlamaanka, iyadoo xukuumadda dalkaasi loogu sheegay inay soo idleyso taageerada ay ku tiirsan tahay ciidamada Mareykanka, lagana saaro dalkaasi.
Ra’iisal wasaaraha Ciraaq ee xilka sii haya Caadil Cabdilmahdi ayaa fdhiga Baarlamaanka us heegay in ujeedkii ugu weynaa ee joogitaanka Mareykanka dalkiisa ay ahayd ururka Daacish, kadib markii laga guuleystayna aysan muhiim ahayn inay ku sii sugnaadaan dalkaasi.
Qaraarka Baarlamaanka Ciraaq ayaa waajib uga dhigaya xukuumadda inay fuliso, waxaana qaraarkan u baahan yahay in la jebiyo sharci hore loogu codeeyay oo ku saabsan heshiiska lala galay Mareykanka, laakiin wuxuu weji gabax ku yahay Mareykanka oo si cad loogu diray farriin ah inaan laga rabin Ciraaq.
Dhinaca kale Mareykanka ayaa uga diday dalalka Khaliijka inay suuragal tahay weerarro ay Iiraan ku qaado saldhigyada Mareykanka ee dalalkaasi ku yaalla, sida Sacuudiga, Baxreyn, Qatar, Imaaraadka iyo Kuwait.