Saturday, May 17, 2025

Baarlamaanku Xilka maka qaadi karaa Wasiir ka tirsan xukuumadda..? [Akhriso Caddeyn]

Waxaa si weyn loo hadal hayaa mooshinka laga keenay wasiirka Dastuurka xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ee Golaha Shacabka horyaalla.

U yeerista wasiirka ayaa ka danbeysay markii uu ka hor yimid qaraarkii Baarlamaanka ku diiday go’aankii Maxkamadda Sare ku laashay sharcinimada 8 kursi oo ka mida Baarlamaanka, isagoo baraha bulshada soo dhigay farriin uu ku sheegay inuusan Baarlamaanku awood u lahayd diidmada go’aanka Maxkmadda ugu sareysa dalka.

Waxaa arrinta uga sii daray markii uu Wasiir Xoosh tegi waayay Baarlamaanka, isagoo ku cudurdaartay arrimo caafimaad, iyadoo xildhibaanada ay cod ku diideen fasaxa uu ku baxay wasiirka.

Ad

Sida ku cad Dastuurka KMG ah Baarlamaanku xil kama qaadi karo wasiir, laakiin waxay sameyn karaan inay u yeeraan si ay su’aalo u weydiiyaan, haddii mas’uulka loo yeeray hortegi waayo golaha shacabka waxay sameyn karaan inay dib u eegis ku sameeyaan xilkiisa.

Arrintaas ayaa micnaheedu yahay inay qaraarka dib u eegista ee lagu sameeyay mas’uulkaasi loo gudbiyo cidda ay quseyso, taasoo ka dhigan inuusan heysan kalsooni uu xilkaasi ku sii wado.

Hadiiba ay dhacdo in Baarlamaanku go’aan ku gaaro dib u eegista xilka Wasiir Xoosh in markaasi wasiirku iskiis isu casilo ama Ra’iisal wasaaraha uu xilka ka qaado.

- Advertisement -

Goobjooge

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON