Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan Cad ka soo saaray Madasha Wadatashiga Qaran ee ku howlan dejinta nooca doorasho ee dalka ka dhaceyso marka ay dhamaato waqtiga dowlada hada jirta, wuxuuna qoraal uu guddoonku soo saaray maanta ku caddeeyay in go’aan kasta oo kasoo baxa Madasha uu ansixinayo Baarlanmaanka.
Qoraalka GuddoonkaBaarlamaanka ayaa lagu sheegay inuusan Baarlamaanku aqbali doonin go’aan aan lo dhameyn oo kicin kara xiisado colaadeed ama wax u dhimaya midnimada dalka.
Qoraalka Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sidoo sheegay in ay wanaagsan tahay in Shirarka ka socda Muqdisho ay ka soo baxaan wax ay ku qanacsan yihiin dhamaan Shacabka Soomaaliyeed.
HOOS KA AKHRI QORAALKA GUDDOONKA BAARLAMAANKA
Goobjooge.com