Monday, February 10, 2025

Baarlamaanka Soomaaliya oo Qaraar kasoo saaraya Xaaladda Qudus & Guddoomiye Jawaari oo weeraray Trump

Kulan ay maanta isugu yimaadeen Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka  Soomaaliya ayaa looga hadlay xaalada magaalada barakeysan ee Qudus.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa khudbad dheer u jeediyay Baarlamaanka, taasoo ku saabsneyd taariikhdamagaalada Qudus iyo waayihii adkaa oo ay soo martay, wuxuuna tallaabo khaldan ku tilmaamay in Madaxweynaha Mareykanka u aqoonsano magaalo ay Yuhuud leedahay.

Prof. Jawaari wuxuu si cad u sheegay sheegay inaysan Musliimiinta marna gorgortan ka geli karin lahaanshaha magaalada Barakeysan ee Qudus, wuxuuna wadamada Islaamka ugu baaqay inay qaataan go’aan adag.

“Soomaaliya iyo Muslimiinta marna gor gortan ka gali meyso lahaanshiyaha Qudus, Qudus waa magaalo ku taalo dhulka Falastiin waana magaalo ay leeyihiin muslimiinta oo dhan mana loo dulqaadan doono muranka ka taagan Qudus” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Ad

Prof jawaari ayaa sheegay in Maraykanka ay Sumcadiisa hoos u dhacday kalsoonidii lagu qabayna ay luntay, isagoo ugu baaqay Trump in uu go’aankaasi ka laabto. Sidoo kale Jawaari ayaa arintaasi u xilsaaray Guddiga Arimaha dibadda ee Baarlamaanka Golaha Shacabka Soomaaliya si loo badbaadiyo Qudus.

Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Guddiga Arrimaha Dibadda u saaray inuu Qaraar kasoo diyaariyo arrinta magaalada Qudus oo Baarlamaanka la hor keeno, si cod loogu qaado.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON