Golaha Wakiilada Puntland ayaa cod u qaaday muddo kororsiga ay ku dhawaaqeen Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka iyo madaxweynihii xilka ka dhamamaday Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Arrintan ayaa timid kadib markii uu Baarlamaanka Puntland warbixin ka dhageystay madaxweynaha maamulkaasi Siciiid C/llaahi Deni, waxaana Baarlamaanka Puntland uu qaadacay muddo kordhintii ay sameysteen Farmaajo iyo Aqalka Hoose ee Federaalka.
Waxaana fadhiga Golaha Wakiilada Puntland xaadiray 52 Mudane, waxaana codkii loo qaaday ay si aqlabiyad ah ku qaadaceen muddo kordhintii ay sameysteen Madatooyada iyo Aqalka hoose ee Baarlamaanka waqtigu ka dhammaaday, 49 xildhibaan u codeeyay diidmada, 1 xildhibaan ayaa diiday, halka 2 kal ay ka aamuseen.
Kulanka Golaha Wakiilada Puntland waxaa Guddoomiyay Guddoomiyaha Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-Xigeenka koowaad Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad Ismaaciil Maxamed Warsame,
Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa weli wada la-tashiyo kala duwan ee qeybaha Bulshada, waxaana lagu wadaa inuu soo saaro mowqifka Puntland ee ku saabsan muddo kordhinta uu sameystay Madaxweynihii DFS ee Wakhtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
