Saturday, May 17, 2025

Baarlamaanka Puntland oo diiday xubnihii Maxkamadda Sare ee Siciid Deni magacaabay (Qaraar Culus)

Golaha Wakiilada Puntland ayaa markii labaad maanta diiday, kana hor yimid xubnaha uu madaxweynaha Maamulkaasi Siciid C/llaahi Deni u magacaabay Maxkamadda Sare ee Puntland.

Baarlamaanka Puntland ayaa qaraar kasoo saaray sababta u diideen magacaabista Madaxweynaha Puntland, waxayna sabab uga dhigeen arrimo fara badan sharci ahaa, kuwaasoo uu baal marey Siciid Deni.

Qaraarka Golaha Wakiilada waxaa lagu caddeeyay inuusan jirin qodob Madaxweynaha Puntland u banneynaya inuu dib u soo magacaabo xubno ay hore u diideen Baarlamaanka ee uu usoo magacaabay Maxkamadda Sare.

Ad

HOOS KA AKHRISO QARAARKA BAARLAMAANKA PUNTLAND

1. Guud ahaan nidaamka Garsoorka Puntland waxaa lagama maarmaan ah inuu noqdo mid hufan, daacad ah, aqoon iyo kartina u leh arrimaha Garsoorka, laguna kalsoonaan karo, sidaas awgeed, waa in la helaa Garsoorayaal iyo Guddi maamul oo hufan, isla markaana buuxiyey shuruudaha sharciga ah ee doorashada Garsoorayaasha Maxkamadda Sare, si waafaqsan qodobka 91-aad ee Dastuurka.

2. Si loo fuliyo qodobka 88-aad ee Dastuurka waxaa waajib ah in Xukuumaddu soo magacawdo Guddiga Culimada Diinta oo door muhiim ah ku leh magacaabista Garsoorayaasha Shareecada Islaamka.

- Advertisement -

3. Waxaa waajib ah in magacaabista Garsoorayaasha Maxkamadda Sare loo maro habraac waafaqsan qodobka 76-aad xarafka (r) oo sheegaya awoodaha iyo mas’uuliyadaha Golaha Xukuumadda, una dhigan “Golaha Xukuumaddu wuxuu leeyahay Magacaabidda Garsoorayaasha Maxkamadda Sare, laba (2) garsoore oo Maxkamadda dastuuriga ah ku biiraya, Xeer-ilaaliyaha guud, Hanti-dhawrka Guud iyo Guddoomiyaha Bankiga, ka dibna la horgeeyo Golaha Wakiillada si uu u ansixiyo”.

4. Madaxweynuhu markuu maro habraaca ku xusan qodoka 76-aad, xarafka (r), wuxuu soo magacaabayaa Guddoomiyaha iyo Garsoorayaasha Maxkamadda Sare sida uu qabo qodobka 80-aad farqadiisa 18-aad oo u dhigan “ Madaxweynuhu markuu la tashado Madaxweyne ku xigeenka wuxuu magacaabaa Guddoomiyaha iyo Garsoorayaasha Maxkamadda Sare” . Haddaba, si loo dhawro qodobbada dastuurka ee kor ku xusan, waxaa waajib ah in Magacaabista Garsoorayaasha Maxkamadda Sare la soo mariyo Golaha Xukuumadda si loogu soo gudbiyo Golaha Wakiillada DPL.

5. Xubnaha Garsoorka ee waaya codka kalsoonida Golaha Wakiillada dib looguma soo celin karo Golaha, mana jiro qodob sharci ah oo arrintaas bannaynayaa.

6. Madaxweynuhu, waxaa keliya ee uu xaq u leeyahay Golahana ku soo celin karaa;

- Advertisement -

i. Xeer Goluhu meel mariyey sida uu qabo qodobka 72-aad ee dastuurka una dhigan “Madaxweynuhu wuxuu awood u leeyahay inuu diidmada qayaxan isku hortaago sharci uu meel mariyey Golaha Wakiilladu, isaga oo diidmadiisa raacinaya qoraal sababaysan”.

ii. Inuu hal mar Golaha Wakiillada dib ugu celiyo Golaha Xukuumadda ee kalsoonida waayey sida uu qabo qodobka 67-aad farqadiisa 6-aad una dhigan “Madaxweynuhu wuxuu awood u leeyahay inuu hal mar Golaha Wakiillada dib ugu celiyo magacaabidda Golaha Xukuumadda ee kalsoonida waayey”.

7. Ma jiro wax cuskasho sharci ah oo bannaynaya in dib loo soo magacaabi karo, loona soo gudbin karo Golaha Wakiillada Xubnihii Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee kalsoonida waayey Luulyo 04, 2022, sidaas awgeed, waxa waajib ah in Madaxweynuhu soo magacaabo Garsoorayaasha Maxkamadda Sare oo aaney ku jirin xubnihii waayey kalsoonida Golaha. Sidoo kale, ma jiraan Garsoorayaal Maxkamadda Sare ah oo sifo sharci ah ku shaqaynaya inta laga soo magacaabayo Garsoorayaasha cusub Goluhuna ansixinayo.

Ugu dambeyntii, soo jeedinta Guddiga kadib ayaa , waxaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 30 Xildhibaan, Diidmo 3, Aamus 7 xubnood, Go’aanka Guddi ayaa sida ku noqday Go’aan Golle.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON