Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa mar kale dib u magacaabay xubnaha Maxkamadda Sare ee Puntland, kadib markii maanta ay Golaha wakiilada diideen inay ansixiyaan Mas’uuliyiintii loo Magacaabay Maxkamadda Sare.
Xubnaha Madaxweyne Deni dib u magacaabay ayaa kala ah:
- Waxaa Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran) loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dowladda Puntland
- Waxaa Nuur Ciiise Maxamed loo magacaabay Guddoomiye Kuxigeenka Maxkamadda Sare Dowladda Puntland
- Waxaa Axmed-haadi Aadan Yuusf loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntland
- Waxaa Cabdiqani Diiriye Cawl loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntland
- Waxaa Cabdinaasir Cabdullaahi Cali loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntlan
Waxaa kale oo la magacaabay
- Keydka
- Maxamuud Aadan Cabdulle Xubin
- Cabdishaafi Axmed Cali Xubin
- Xubno Guddi
- Daahir Maxamed Nuur
- Xasan Cabdi Cilmi
Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa maanta diiday inay kalsooni siiyaan Guddooonka iyo xubnaha Maxkamadda Sare ee Puntland oo saaka la hor geeyay, waxaana codkii loo qaaday uu noqday: inay oggolaaden 23 Xildhibaan, 11 xildhibaan oo diiday iyo 9 xildhibaan oo ka aamusay.
Mar kale ayaa dib loogu celin doonaa isla xubnihii ay diideen Golaha Wakiilada Puntland, taasoo la filayo inay ansixiyaan, mana cadda sababta ay ku diideen ansixinta magacaabidii hore.