Baarlamaanka Puntland ayaa markii ugu horeysay bilaabay inay ka doodaan muddo kordhin loo sameynayo Hay’adaha maamulka Puntland sida madaxweynaha iyo Golaja Wakiilada.
Kulan gaara oo ay maanta yeesheen Guddig Joogtada ah ee Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa ka bilowday dood ku saabsan muddo kororsi loo sameeyo xukuumadda Madaxweyne Siciid C/laahi Deni oo ah arrin ay si weyn u diidanaayeen mucaaradka, lana hadal hayey sanad ka badan.
kulanka Guddiga-joogtada ee golaha Baarlamaanka Puntland ayaa lagu soo qaaday baahida loo qabo in muddo kordhin 2 sanno ah loo sameeyo hey’adaha dowladda, iyadoo sabab looga dhigay inay Puntland ku jirto xaaladda dagaal ee gobolka Sool iyo muddada hartay oo kooban.
Kulanka ayaa kusoo dhammaaday in laga war sugo Madaxweyne Deni safar dibadda ku maqan, muddo bil ka badan, waxayna arrintan inaaneysaa iyadoo khilaaf weyn ka tagaan yahay doorashada Puntland, horeba dagaal uga dhacay magaalada Garowe.
Siyaasiyiinta mucaaradka ee Puntland ayaa hore madaxweyne Deni ugu eedeeyey inuu ku socdo dariiqii Farmaajo ee muddo-kororsiga, taasoo horseedi doonta qalalaase.