Xogheynta Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa shaacisay kulan ay xildhibaanada go’aan uga gaarayaan mooshinka laga keenay Wasiirka Dastuurka xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil.
Fariimaha loo diro xildhibaanada Baarlamaanka ayaa maanta xogheyntu ku sheegtay in maalinta berrito ee Arbacaddaoo ku beegan 2-da bisha August ay xildhibaanada yeelan doonaan kulanka quseeya Wasiir Xoosh.
“Mudane Xildhibane, berri oo ah Arbaco Tr. 02/08/2017 Saacadda: 09:00am waxaa jira kulanka guud ee golaha shacabka. Ajendaha: ka doodista iyo go’aan ka gaarista Wasiirka Arrimaha Dastuurka”ayaa lagu yiri fariimo qoraaleed Xafiiska Guddoonka Golaha shacabka u diray Xildhibaanada”.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa diiday fasax uu dalbaday Wasiirka oo uu ku sheegay inuu Golaha hortegi doono 11-ka Ogost, markii cod loo qaaday, waxaana arrintiisa loo xilsaaray Guddiga joogtada ah oo Berri Baarlamaanka ka horjeedi doono go’aankooda.
Guddiga joogtada ah oo ah badan guddoonka iyo guddoomiyeyaasha guddiyada Baarlamaanka ayaanay u furneyn wax badan in codka kalsoonida loo qaado Wasiir Xoosh oo farriimo kale oo uu soo dhigay baraha bulshada si sarbeeb ah u weerarray Baarlamaanka iyo xildhibaannada qaarkood.